
Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto oo haatan ku sugan Muqdisho, ayaa maalinta berriya ku soo wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe.
Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni, waxay kulan gaar ah ka yeelan doona xal u helidda khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland, oo diiday in la xigto.
Safiirka Maraykanka ayaa kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee doonaya in deg deg loo xalliyo muranka Arrimaha Doorashada ee u dhexeeya dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada qaarkood iyo Midowga Murashixiinta, si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Beesha Caalamku waxay doonaysa in dhowaan la isu’gu yimaado shir ku saabsan xal u helidda khilaafka, kaas oo dhexmari doona dhinacyada isku diidan Arrimaha Doorashada, inkastoo aan weli la go’aamin halka shirkaas lagu qaban doono.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.