
Dowladda Ethiopia ayaa Qunsul cusub u soo magacowday Qunsuliyadda Ethiopia ku leedahay caasimadda Puntland ee Garoowe.
Qunsulka cusub oo lagu magacaabo Degnachew Yitbarek wuxu beddelay Qunsulkii hore Mabratu Waldo Aragay kaas oo dhowaan xilka banneeyay.
Qunsulka cusub Mr. Degnachew Yitbarek waxa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha iyo Qunsulka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta xukuumadda Puntland iyo dowladda Ethiopia.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.