Labo oday dhaqameed oo lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay labo oday dhaqameed.

Labada oday dhaqameed ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Maxamuud Aadan iyo Axmed Sheekh Abdullaahi, waxaana baxday kooxdii dilka geystay.

Labada oday dhaqameed ayaa degaan ahaan ka soo jeeday degaaka Bacaadweyne ee Koofurta gobolka Mudug.

Mahad Cabdalle Cawad Guddoomiye ku xigeen labaad ee Baarlmaanka Soomaaliya oo ka hadlay dilka odayaasha ayaa sheegay in labada oday ay kamid ahaayeen dad horay u diiday amarada Al-shabaab.

Dilka odayaasha ayaa ku aadaya, iyadoo isla maanta magaalada Muqdisho qarax lagu weeraray nabadoon caan ah, weerarkaas oo ku dhinteen ilaa afar qof.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku oo badanayay qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee rayidka.

PUNTLAND POST