
Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa caawa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qaraxa oo ahaa sida la sheegay miino nooca boodo ah ayaa lala eegtay ciidamo howlgal waday, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar iyo dad rayid ah, inkasta oo aan weli tirada rasmiga xaqiijin karin.
Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo Al-shabaab lagu yaqaan weerarada noocaas oo kale ah.
Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, kadib markii dowladdu ka sameysay howlgalo amniga kor loogu qaadayo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.