Puntland oo shaacisay shirweyne lagu xalinayo shaqaaqadii Iskushuban

Guddigii Puntland u xilsaartay shaqaaqadii labada beelood ku dhexmartay degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa shaaciyay shirweyne lagu xalinayo shaqaaqadaas.

Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shirweyne lagu dhexdhexaadinayo labada beelood 1-da Feebaraayo 2021 lagu qaban doono degaanka Cammaan ee degmada Iskushuban, waxaana diyaarinta iyo qabanqaabada shirkaas loo xilsaaray Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Maxamuud Axmed.

Sidoo kale Guddiga ayaa faray labada beelood ee dagaalamay in ay si buuxda u dhaqangeliyaan go’aamadii ay dowladdu dhawaan soo saartay.

PUNTLAND POST