Guddoomiye degmo oo lagu dilay Muqdisho

Waxaa goordhaweyd magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Ciise Dhagajuun.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiyha degmada Hodan ay dileen askar ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun ayaa lagu dilay isgoyska Jid Mareexaan ee degmada Howlwadaag.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa bishii Noofember ee sanadkii hore ku dhaawacmay qarax miino, wuxuuna maanta ka soo laabtay safar caafimaad oo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ka soo laabtay qurbaha, wuxuuna dhalashada labaad ka haystay Sweden.

PUNTLAND POST