
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka ka hadlay dilkii xalay saqdii dhexe loo geystay guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiin Dhagajuun.
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Cabdixakiim Dhagajuun lagu dilay is-rasaasayn xalay saqdii dhexe dhexmartay ciidan ku sugnaa inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde.
Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in dhacdadaas ay ku dhaawacmeen labo askari oo mid ka mida ahaa ilaalada Cabdixakiin Dhagajuun.
Cumar Filish ayaa faray hay’adaha amaanka gobolka Banaadir in ay baaris rasmi ah ku sameeyaan dhacdadaasi, si loo helo ayuu yiri caddaalad, la iskulana xisaabtamo mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Cabdixakiim Dhagajuun.
Ugu dambeyna Duqa Muqdisho ayaa Guddiga u magacaabay aaska guddoomiyihii degmada Hodan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.