Trump oo saacadihiisii ugu dambeeyay sameeyay xayiraad iyo cafis

Madaxweynaha Mareykanka ee maanta xilka ka degayo Donald Trump ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo roday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Tanzania.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee xilka ka sii degaya Mike Pompeo ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Tanzania ku keceen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, boobka doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Oktoobar 2020 iyo inay wiiqeen nidaamka dimuqraadiyadda.

Saraakiil reer Tanzania oo aan magacyadooda la shaacin ayaa laga mamnuucay in ay safar ku aadaan Mareykanka iyo in ay dalbadaan dal ku galka Mareykanka.

Xukuumadda Washington waxay ka dalbatay Tanzania in ay caddaaladda horkeento mas’uuliyiintan lagu eedeeyay xadgudubka.

Doorashadii dalka Tanzania ka dhacday bishii Oktoobar, oo la rumeysan yahay in la boobay, ayaa waxaa sheegtay inuu ku guuleystay madaxweynaha xilka fadhiya John Magufuli oo sheegtay in uu heley in ka badan 84% codadkii la dhiibtay.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka ee xilka bannaynaya Donald Trump wuxuu cafis u fidiyay la taliyihiisii hore Steve Bannon oo wajahayay dacwado la xiriira musuqmaasuq iyo dad kale oo ka badan 70 qof.

Mr. Bannon wuxuu ahaa la taliyihii Trump xilliggii ololaha doorashada 2016-kii, waxaana bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah musuq maasuq oo ku saabsan olole lacag uruurin ah oo ku saabsan dhismaha gidaarka xuduudka Mexico iyo Mareykanka.

Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaarinayaa xilka madaxwaynanimada Mareykanka.

PUNTLAND POST