Joe Biden oo maalinta kowaad laalaya go’aankii Trump ee muslimiinta

Joe Biden oo Arbacada maanta xafiiska la wareegaya ayaa maalinta koowaad laali doono waxa loogu yeero ‘Ban Muslimka’ oo ah amarkii Trump uu meelmariyey ee lagu xaddiday in ay Mareykanka soo galaan dadka ka soo jeeda dhowr dal oo Muslimiin u badan.

Dadka u ololeeya xuquuqda iyo kooxaha muslimiinta Mareykanka ah ayaa soo dhaweeyay Biden sida ay uga go’an tahay in uu laalo go’aankii Trump, laakiin waxay su’aal ka taagan tahay waxa laga qaban karo dhibaatada ay xiyaaddu u geysatay qoysaska afartii sano ee la soo dhaafay.

“Waan ku faraxsanahay in Biden uu tirtirayo xayiraada,” ayuu yiri Ibraham Qatabi, oo ah sharci yaqaan ka shaqeeya Xarunta Xuquuqda Dastuurka.

“Laakiin su’aashu waxay tahay, maxay taasi uga dhigan tahay qoysaska uu saameeyay mamnuucistu?” Qatabi ayaa u sheegay Al Jazeera. “Ma waxay helayaan fiisooyinkoodii oo waxay la midoobi doonaan qoysaskooda?”.

Madaxweymihii hore Mareykanka Donald Trump ayaa bishii Janaayo 2o17 xayirad dhinaca socdaalka ku soo rogay muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Suudan, Suuriya, Yemen, Liibiya, Iiraan iyo Ciraaq.

PUNTLAND POST