
Qarax maanta ka dhacay degaanka Garasbaaley oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay Afar qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin.
Guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaaley Cali Maxmed Macalin, Guddoomiyihii dhalinyarada Garasbaaley Cabdirashiid Dubbad iyo labo askari ayaa ku dhintay weerarkaas.
Sidoo kale qarax waxaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen ilaa lix qof oo ay ku jiraan dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee Cabdiraxmaan Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkaas.
Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in qaraxu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaley Cali Maxamed Macalin iyo Guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Cali Dubbad.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay ma’suuliyadda qaraxa lagu dilay mas’uuliyiinta degaanka Garasbaaley.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.