Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan Hamza.
Wasiir Jamaal iyo Danjire Hassan Hamza, ayaa la sheegay in ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka iskaashi ee labada waddan ka dhaxeeya.
Sidoo kale, waxa la sheegay in ay ka wada-hadleen dardar gelinta arrimaha mashaariicda dowladda Qatar ka waddo gudaha Soomaaliya.
Kulanka labada mas’uul waxa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Cabdulqaadir Maxamed Aden.
PUNTLAND POST