Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka Gar-gaarka ee OCHA, ayaa ka dayrineysa xaaladda nololeed ee Bulshada ku nool degmada Xuddur ee Gobolka Bakool
Hay’adda OCHA, waxay sheegtay in raashinka uu gabaabsi ku yahay magaalada, kadib markii ay gashay xaalad go’doomin ah oo kaga timid kooxda Al-shabaab, taas oo sababtay in sare u kac xooggan ku yimaado sicirka maciishadda.
OCHA waxay tilmaamtay in ay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xuddur ay uga sii darayso dhibaatada bani’aadanimo ee horay uga jirtay degaankaas.
Hay’addu Waxay ugu baaqday maamulka koofur galbeed iyo hay’adaha gar-gaarka, in ay gacan ka geystaan caawinta dadka xuddur.
PUNTLAND POST