Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay labo Danjire

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyey horumarka ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

PUNTLAND POST