
Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta ka hadlay dhaqangelinta go’aamadii ka soo baxay Guddiga xal u helida diidmada Shilin Soomaaliga.
Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ka digay in tafsiir xumo ka timaado ga’aamadii ay soo saareen oo ay dowladda iyo ganacsatadu ku damaanad qaadeen socodsiinta lacagta Shilin Soomaaliga, guddiguna ku kantaroolayo.
Wuxuu xusay Faroole in sicirka suuqa ee sarirka uu isagu isgoon doono, bangiga dowladduna uu kantarooli doono.
Ganacsatada ayaa ugu baaqay in ay lacagaha u keydsan ku soo xereeyaan bangiga dowladda, si kor loogu qaado lacagta Shilin Soomaaliga.
Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegay in uu dambiile yahay qofkii socodsiin waaya lacagta Shilin Soomaaliga.
Faroole wuxuu tilmaamay in guddigu uu shaqeyn doono inta ay xalismayso arrinta loo xilsaaray.
Hoos ka daawo hadalka Faroole
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.