Taliyaha Kumaandooska Danab iyo saraakiil kale oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Shabeellada Hoose

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur Beer-yare iyo Taliyaha Guutada 7-aad ee Milateriga G/dhexe Axmed Gaashaan ayaa la soo weriyay in ay ku dhaawacmeen qarax saaka lagula eegtay jidka u dhexeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu haleelay Gaariga ay saarnaayeen labada Taliye oo ahaa Nooca qafilan waxaana wararka qaar sheegayaan in sidoo kale ay ku dhaawacmeen saraakiil Caddaan ah oo la socday Gaarigaas.

Dhaawaca labada Taliye iyo saraakiisha kale ayaa markiiba loola cararay gudaha Xarunta XALANE halkaas oo uu ku yaal Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa waxaana ay xaqiijiyeen in Qaraxa lagu dhaawacay Taliye Beeryare iyo saraakiil kale islamarkaana ay ku dhinteen afar askari.

PUNTLAND POST