Madaxweynaha waddanka Ugaandha Yoweri Museveni ayaa tiro aad u badan ku hogaaminaya natiijada doorashadii madaxtinimada ee khamiistii ka qabsoontay dalkaas.
Madaxweyne Museveni, ayaa Codadka ilaa iyo haatan la tiriyay ka helay 3.9 milyan oo la mid ah 62.7%, iyadoo hogaamiyaha mucaaradka ah uu heley 1.4 milyan oo u dhiganta 29.3%, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.
Hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine, ayaa diiday natiijada hor u dhaca ah oo ay shaaciyeen guddiga, isagoo sheegtay in uu ku guuleystay doorashada, isla markaana Talisku sameeyay wax isdabo marin baahsan.
Natiijada rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa Axadda, iyadoo madaxweyne Museveni markii lixaad uu u muuqdo in uu yahay mid guuleystay doorashada dalka Uganda.
Guddiga doorashada waxaa uu beeniyay eedda uu soo jeediyay Bobi Wine oo sidoo kale loo yaqaano Robert Kyagulanyi kaas oo ahaa heesaa caan ah isla markaana sheegtay in uu matalayo da’yarta reer Uganda.
PUNTLAND POST