Madaxweynayaasha Turkeyga iyo faransiiska ayaa is weydaarsaday warqado ay uga hadlayaan in dib loo bilaabi wadahadalada labada dhinac iyo hagaajinya xiriirka dalalkaasi.
Ordogan iyo Macron ayaa isku afgartay soo celinta wadahadalada labada dowladood oo horey u xumaaday hadalana isku dhaafsaday baraha bulshada.
Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkeyga ayaa warqad sannadka cusub ah u qoray dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron taas oo uga tacsiyeynayo weeraro lagu qaaday faransiiska sannadkii tagay.
Wasiirka arimaha dibada Turkeyga Mevlut Cavusoglu ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Macron Madaxweynaha faransiiska uu si hufan uga soo jawaabay warqada erdogan waxaana uu sheegay in xiriirka turkeyga uu muhiim u yahay yurub oo idil waxaana qoraalka Macron lagu xusay in labada masuul ay kulmaan dhawaan.
PUNTLAND POST