Madaxweyne Lafta Gareen oo ku wajahan degmada Xudur

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Maadxweynaha ayaa ka amba-baxaya Magaaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana horay Magaalada Xudur u gaaray wafdi horudhac u ah socdaalka Laft-gareen.

Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa xilligan ka jira xaalado adag oo Bani’aadanimo, kadib markii ay Al-Shabaab go’doomiyeen, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay Baraha Bulshada,  iyada lagu eedeeyay Xildhibaannada iyo Wasiirada iyo Xildhibaannada Dowladda Federaalka ku metela dadka ku nool degmada Xuddur in aysan dadka degmadaas wax u qaban, isla markaana Hoteelo ku yaal Muqdisho ay lacago qaali ku degan yihiin.

PUNTLAND POST