Ciidamada dowladda Federaalka, oo ay weheliyaan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab, waxay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay degaano kaabiga ku haya degmada Jamaame ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga degaanaadaas.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan.
PUNTLAND POST