
Taliska Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa haatan shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku qabteen shakhsiyaad diyaariyay Qaraxyada lagu aaso Buuraleyda Gobolka Bari, kuwaas oo lala beegsado Ciidamada Difaaca Puntland.
Qoraal ka soo baxay PSF, waxa lagu sheegay in Hawlgalkaas uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso, balse la xusin haddii shakhsiyaadka la qabtay ay ka tirsan yihiin Daacish ama Al-shabaab.
“Ciidanka PSF hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen shakhsiyaad la raadinayey oo diyaariya waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo kadibna geeya buuraha si loogu waxyeeleeyo ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Cal Madow.” Ayaa lagu yiri Qoraalka PSF.
Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo xiriir ah ka waday gudaha Boosaaso, kadib markii qof dumar ah magaalada lagu dilay todobaadkii tegay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.