Seyoum Mesfin: Siyaasi Garan Waayay Saameynta Isbeddelka Itoobiya Ka Dhacay

Seyoum Mesfin, oo ay dorraad ciidammada Itoobiya dileen markuu diiday inuu is dhiibo, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (Tigray People’s Liberation Front). Siyaasadda Soomaaliya saameyn weyn ayuu ku lahaa waayo wuxuu ku soo beegmay xilli Itoobiya u arkaysay Soomaaliya dal kala furfurmay oo marnaba aan halis ku noqon karin taliskii talada qabsaday 1991kii dhicistii taliskii Dergiga kaddib.

Seyoum Mesfin oo furaya safaaradda Itoobiya ku leedahay Muqdisho.

Dad badan ayaa xusuusta khudbaddii uu jeediyay markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf lagu caleemosaarayay Nayroobi 2004tii. Afar sano kaddib wuxuu u ololeeyay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf lagu soo rogo xannibaad.

Soo bixistii ururkii Midowgii Maxkamadaha 2006dii ayaa fursad u noqotay TPLF. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi wuxuu isu muujiyay inuu bahwadaag kala yahay Maraykanka fulinta wixii loo yiqiin ‘dagaal ka dhan ah argagixisada’. Wuxuu ahaa dagaal taliskii TPLF uu u adeegsaday ka jeedinta Beesha Caalamka cadaadisyadii talisku ku hayay dadka Itoobiya. Bannaanbaxyadii billowday 2016kii waxay wiiqeen awooddii TPLF oo Itoobiya ku xukumaysay xisbigii EPRDF.

Seyoum Mesfin (midig) iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. 

Markii Abiy Axmed talada la wareegay 2018kii TPLF waxay dib ugu guratay Mekelle, caasimadda gobolka Tigray. Dhowr bilood ka hor geeridiisa Seyoum Mesfin wuxuu ku baaqay in la afgambiyo Abiy Axmed. Sida Amxaaradu u malmalooqday khuraafaad ah in Xayle Salaase ka soo jeego Boqortooyadii Nabi Suleymaan ayay Tigreeguna iskugu tilmaameen badbaadiyayaasha Itoobiya. TPLF jabhad qowmiyadi leedahay bay ahayd. Waxaa loo arkayay talis beddeli karay Mengistu, hoggaamiyihii Dergiga. Seyoum Mesfin wuxuu ka mid ahaa madaxda ugu mayalka adag TPLF. Garashadiisa siyaasadeed waxay ku salaysnayd danta qowmiyaddiisa oo uu u arkay inay ka horreyso danta dalkiisa. Tigreegu way ka hurguri waynaayeen Amxaarada siyaasad ahaan.

Burburkii Soomaaliya ayaa TPLF ugu muuqday fursad Itoobiya Geeska Afrika uga noqon karto awoodda ugu weyn (hegemon). Seyoum Mesfin waxa madaxmaray qowmiyadnimo loo ekeysiiyay qarannimo jeceyl. TPLF way ku ballanfurtay dalalkii inay Itoobiya isbeddel ka samayso ka caawiyay. Meles Zenawi wuxuu dhisay biyoxireen uu magac ku raadinayay halka dadka Itoobiya ka fekerayeen sida ay karkaarka u weydaarin lahayn talis ilaaliya danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee hal qowmiyad oo 6% ka ah dalka. Seyoum Mesfin wuxuu siyaasadda ka eegi waayay dhinac dhaafsiisan TPLF oo ahaa urur weli isu arkayay jabhad isbeddel-doon ah.

Mesfin wuxuu u ololeeyay in qeybo Soomaaliya ka mid ah laga dhigo meel diyaaradaha ka caaggan.

Mesfin wuxuu taageeray siyaasaddii dowladda Itoobiya ku diidday xukunkii maxkamadeed oo dhulka Badme siiyay Eritreeya. Wuxuu aad ugu ololeeyay in qeybo Soomaaliya ka mid ah oo aysan dowladdii ku-meelgaarku ka talinin laga dhigo dhul diyaaradaha ka caaggan, la mid ah dhulka Ciraaq  ka hor 2004tii. Wuxuu ku dooday in dalal shisheeye ah ka dambeeyaan ururrada xagjirka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calanka Tigray loo dhiibayo.

TPLF waxay isku tilmaantay ilaaliyaha habka federaalka Itoobiya. Run ahaantii habkani isbeddel siyaasadeed wuu keenay hase ahaatee qowmiyaduhu way kala xuquuq badnaayeen. Tigreega ayaa ugu xuquuq badnaa. Taliskoodu wuxuu ka dambeyay hurinta colaaddii dhex martay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada 2017kii iyo 2018kii.

Shaqo adag ayaa Abiy Axmed sugaysa. Waxaa ugu weyn xakamaynta xagjirka Amxaarada oo hadda doonaya dagaal itoobiya iyo Suudaan dhexmara. Dhulkii Suudaan sida saaxiibtinimada leh ugu oggolaatay Itoobiyaanka inay beertaan ayay hadda Amxaaradu sheeganaysaa. “Nin Abeeso koriyow adigaa u aayi; axdi ma laha Xabashidu lagu aaminaayee” waa ereyo ku jiray hees Soomaaliyeed.

© Puntland Post, 2021