Puntland: Go’aamo laga soo saaray shaqaaqadii Iskushuban

Guddigii Puntland u saartay shaqaaqadii ka maalmo ka hor ka dhacday deegaan hoostaga degmada Iskushuban ayaa soo saaray go’aamo.

Guddi wasiiro ah oo hoggaaminayo wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay kamid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Axmed Taaraan, iyo Wasiiru-dawlayaasha wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Dekadaha oo ku howlanaa shaqaaqadaas ayaa soo saaray qodobada soo socda.

1- In nabadda si dhamaystiran u dhaqan galiyaan labadii belood ee dirirtu dhexmartay.

2- In maleeshiyo beleedyadii soo gurmaday dhammaantood ay ku noqdaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

3- In magaalooyinka, ceelasha, dooxooyinka, dhulka daaqsinka iyo wadooyinkaba si nabadgalyo ah loogu wada noolaado.

4- In dooxadii shaqaaqadu ka bilaabatay aysan tagi karin dibna ugu noqan karin labada beelood, gacanta dowladana ay ku jirayso ilaa amar danbe.

5- In uu noqan doono shirka lagu soo afjarayo colaadan inta u udhaxaysa 01/02/2021 – 10/02/2021, dowlduna dib kaso shegayaso maalintu shirkaasi furmi doono iyo goobta lagu qabanayo.

6- Ciddii dhaqan galinwayda go’aamada dowladda oo hareer marta heshiisyada nabadda waxaa laga qaadayaa tallaabo ku haboon.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa soo dhaweeyay qodobada iyo dadaalka dowlada ku xalinayso shaqaaqadan.

PUNTLAND POST