
Alle ha u naxariistee, waxa maanta oo Khamiis ah magaalada Boosaaso ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada dowladda Puntland Dr Yaasiin Faarax Cartan Ismaaciil.
Marxuum Yaasiin Cartan, wuxu kamid ahaa As’aasayaashii Puntland sannadkii 1998-dii, waxaana uu Xukuumaddii u horraysay ee Puntland ka soo noqday Wasiirka Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale, waxa lagu xasuustaa in uu kaalin weyn ka qaatay Dib u-heshiisiinta, Nabadaynta iyo Horumarinta Bulshada, gaar ahaanna xilliyo ay jireen colaado ka dhacay Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.
Marxuum Dr Yaasiin Cartan, ayaa sidoo kale haatan ka tirsanaa guddi u xil-saaran Dib u-dhiska wadada Boosaaso iyo Qandala, taas oo weli hawsheedu socoto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.