Puntland oo guddi Nabadayn ah u dirtay Miyiga degmada Isku-shuban

Guddi ka kooban wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, oo Madaxweyne Deni u xil-saaray Nabadaynta beelo ku dagaallamay Isku-shuban, ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray miyiga degmada Isku-dhuban ee Gobolka Bari.

Guddiga waxa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Mas’uuliyiinta Gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland.

Guddiga oo kormeer ku sameeyay Goobihii uu dhowaan ka dhacay dagaalkii dhexmaray labada beelood ee Miyiga Isku-shuban, ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka labada beelood, si loogu gogol-xaaro Nabadaynta labada dhinac.

PUNTLAND POST