
10,000 oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka Marekanka ayaa ku qulqulaya Washington, DC si ay gacan uga geystaan sugidda ammaanka ka hor munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden.
Go’aanka uu qaatay Xoghayaha Ciidamada Mareykanka Ryan McCarthy ayaa ku soo aadaya iyadoo FBI-da ay ka digtay banaanbaxyo hubeysan oo la qorsheynayo in lagu qabto Washington inta lagu guda jiro xaflada dhaarinta ee 20-ka Janaayo.
Madaxweyne Donald Trump oo xilka ka deggaya ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku ku soo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey inuu kiciyay kacdoon ka dhan ah dowladda Maraykanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.