
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in la dilay qaar kamid ah hoggaamiyeyaashii ururka TPLF.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa kamid ah madaxda TPLF ee la sheegay in la dilay.
Sidoo kale dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ay dishay Abay Tsehaye oo dhanka siyaasadda u qaabilsanaa TPLF iyo Colonel Kiros Hagos oo ahaa sarkaal ka goostay ciidamada difaaca Itoobiya.

Seyoum Mesfin ayaa Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ahaa 1991 ilaa 2010.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.