Weerar lagu qaaday xarunta diiwan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland ee Laascaanood

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in caawa qarax lagu weeraray xarun Somaliland halkaas ka samaysay, oo loogu tala-galay diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood, ayaa la sheegay in uu waxyeelo u geystay xaruntii diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland, waxaana ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada Maamulka.

Waxaa durbadiiba goobta qaraxu ka dhacay isku wareejiyay ciidamo ka tirsan Somaliland. Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa mid gacanta laga tuuray oo Bambaano.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo cabsi ku abuuray shacabka, oo ka walwalsan in la beegsado, haddii ay tageen goobaha diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

PUNTLAND POST