
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada Gaalkacyo si ku meel gaar ah ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub kadib markii uu Caawa kala diray Golihii Degaanka Gaalkacyo.
Madaxweyne Deni wuxu Maxamuud Cabdinuur Aaden si ku meel gaar ah ugu magacaabay Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo halka ku xigeenkiisana u magacaabay Shaafici Cabdullaahi Xaashi sida ku cad dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.
Hoos ka akhriso Dikreetada
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo
Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey
- Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.