Caaqil lagu dilay magaalada Buuhoodle

Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay mid kamid Waxgaradka Buuhoodle.

Dabley bastoolado ku hubaysan ayaa Caaqil Xasan Sheikh Suleebaan Rasaas la dhacay xilli uu ku sii socday hoygiisa Buuhoodle waxaana uu ku geeriyooday halkaas.

Kooxdii dilka u gaystay Caaqilka ayaa goobta isaga baxsaday mana jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay dilkiisa.

PUNTLAND POST