25 ruux oo lagu qabtay Hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Boosaaso

Ilaa 25 ruux ayaa lagu qabtay Hawlgal qorshaysan, oo xalay Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hawlgalkan oo qaatay in ka badan sagaal saacadood oo xiriir ah, waxa laga sameeyay dhammaan xaafadaha Boosaaso iyo qaar kamid ah Hoteellada magaalada, kuwaa soo laga soo qabtay shakhsiyaad laga shakiyay.

Dadka lagu qabtay Hawlgalkaas, oo qaarkood lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish, waxa sida Booliisku shaaciyay lagu samayn doona baaritaano kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, oo warbaahinta la hadlay Hawlgalkaas kadib, ayaa Bulshada ka codsaday in ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga.

PUNTLAND POST