Umaddi nolol xasiloon kuma noolaan karaan haddii aysan jirin deganaan dhaqaale, deganaan dhaqaalena ma iman karto haddii aysan deganayn qiimaha lacagtu.
Inkastoo shaqooyinka hortebinta leh ee bangiga dhexe ee dalku uu qabto ay ka mid tahay negaanshaha heerka sarifka iyo hubinta negaanshaha ascaarta sida ku xusan qodobka 123aad ee dastuurka JFS, hadana maanta bangigaga dhexe ee Soomaliya ma gaarsiisana heer uu guto shaqooyinkiisa maadama aan isfahan weyn laga gaarin hanaanka Maaliyadda dalka.
Maanta booskii Bangiga dhexe waxaa ku jira bangiga Puntland, oo ah halka ay ku xarooto lacagta shilling Soomaaliga iyo dollarka ay dowladdu cansuurta u qaado, waana halka rasmiga ah ee laga rabo in uu jaangooyo sarifka lacagta.
Dhacdo si weyn ugu soo noqnoqota ayey ku noqotay shacabka Puntland, nolosha dadka ayey si weyn u saameysay qiima dhaca lacageed ee deegaanadda Puntland kusoo noqnoqday.
Mar kasta oo qiima dhac ku yimaado Shilling Soomaaliga wuxuu ku dul dhintaa dadka xoogsatadda ah, ganacsatadda yaryar iyo cid kasta oo dowladdu lacagta shilling Soomaaliga ah siiso.
Haddii shilling Soomaaliga suuqa yaal uu bato, waxaa yimaada qiima dhac lacageed maadama uu kor u kaco baahidda loo qabo dollarka taasoo qof walba ku riixaysa in uu raadiyo, amase ku ganacsado lacagta danabaysan iyo Dollar.
Lacagta shilling Soomaaliga ah ee maanta Puntland laga isticmaalo badi kama shaqayso deegaanadda koonfurta Soomaaliya, maadaama aysana Puntland ka shaqayn lacagtii kacaanku ka tegay iyo middii xiligii Ceydiid la daabacay.
Inta badan koru-kac iyo sicirbarar kuma yimaado qiimaha miciishaddu suuqa ku taal, sababtuna waa inay ganacsatadda ugu qiimeysan tahay dollar, arintani waxay sababtay in ganacsatadda waaweyn uusan saameyn qiima dhaca lacageed ee Puntland ka dhaca.
GOORMEE PUNTLAND LAGA DAREEMAY QIIMACA DHACII LACAGEED EE UGU HOREEYEY?
Xilligii dowladda Cabdullaahi Yuusuf oo ahayd xukuumaddii ugu horeysay ee Puntland la doorto ayaa dareentay ciriiri iyo dabar go’ ku imaanaya lacagtii dowladda Kacaanku ka tagtay ee qaybaha kala duwan lahayd, maadama xiligaa si weyn looga diiday deegaanadda Puntland isticmaalka lacagtii Ceydiid.
Waxaa markii ugu horeysay garoonka diyaaradaha Boosaaso laga dejiyey lacag lagu soo daabacay wadanka Malaysia lana soo mariyey Dubai, dowladdii Cabdullaahi Yuusuf waxay lacagtaa lasoo daabacay si tartiib ah ugu bixinaysay mushaharaadka iyo gunooyinka shaqaalaha iyo ciidanka dowladda.
Sicirbararkii ugu horeeyey waxaa Puntland laga dareemay 2001, maadama shilling Soomaaligii dowladdu bixisay si weyn suuqa u galay.
Markale 2002 ayaa ganacsato reer Puntland ah lacag shilling Soomaali ah soo daabaceen, waxaa ka war helay lacagtaa xukuumaddii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo si weyn uga hortimi in deegaanka lasoo geliyo.
Ka dib markii la xakameyn waayey lacagtii ganacsataddu markaa gacanta ku haysay ayey ka heshiiyeen xukuumaddii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ganacsataddii, waxaana laysla qaatay in si tartiib tartiib ah suuqa loo soo geliyo.
DHACDOOYIN AY TAHAY IN CASHAR LAGA BARTO.
Dhacdada Koowaad:- Ganacsato iyo xukuumaddii Cadde Muuse ayaa ku heshiiyey in lacag shilling Soomaali cusub la daabaco, maadama dollar badan deegaanka soo gelayey, waxay is tuseen baahi shilling Soomaali oo suuqa ka jirta.
Boosaaso ayaa la keenay makiinaddii lacagta daabici lahayd, mudo markii lacag tira badan la daabacay suuqiina qaadi kari waayey, waxaa deegaanadda Puntland ka dhacay sicir-bararkii u weynaa maadaama sarifka halka dollar uu gaaray 38,000 Sh.S.
Noloshii dadka ayaa ciriiri gashay, waxaa la diiday in badeecadaha shilling Soomaali lagu kala iibsado, dollarka ayaa noqday lacagta keliya ee suuqa ka shaqaynaysa markaa, waana halka ay ku baxday markaa oraahdii shacabka ka imaanaysay ee ahayd “Dooni mayno dollar qaate”.
Markii sicir-bararkii lacageed ee markaa jiray kor u kacay, guri walbana saameeyey, xukuumaddii Cadde Muuse laba talaabo oo deg deg ah ayey qaaday:-
1. In gebi ahaanba la xiro makiinaddii lacagta daabacaysay, si loo maareeyo inta shilling Soomali suuqa taal hadda.
2. waxay dekedda Boosaaso ka joojiyeen lacagtii Port charge ka ahayd ee laga qaadi jiray maraakiibta iyo doomaha kusoo xirta dekedda.
Maraakiibta waxaa laga qaadi jiray $5,000, halka doomahana laga qaadi jiray $2,000 ilaa $1,000.
Markii lacagtaa meesha laga saaray waxay sababtay in maraakiib iyo doomo badan kusoo xirtaan dekedda Boosaaso, waxaana markaa kor u kacay dakhligii dowladda soo galayey.
Xukuumaddii Cadde Muuse markay xilka ka tegaysay sarifka shilling Soomaaliga wuxuu marayey 25,000 ilaa 28,000 Sh.S, halka miisaaniyaddu ahayd 24 bilyan iyo 800 Million oo shilling Soomaali ah.
Dhacdada Labaad:- Maalintii la dooranayey Cabdiraxmaan Faroole 08/1/2009 deegaanadda Puntland kama jirin qiima dhac lacageed oo weyn iyo sicir-barar ka taagnaa maciishadda suuqa.
Wasaaraddii Maaliyadda ee xiligaa waxay kordhisay canshuurtii kala duwanayd ee dowladdu markaa qaadaysay, waxayna soo celisay lacagtii Port charge ahayd iyo dibu habeyn ay ku sameeyeen bangiga Puntland.
Xukuumadaas 5 tii sano ee ay joogtay ma jirin lacag la daabacay, waxayna miisaaniyadda u rogtay dollar markii ugu horeysay.
Sidoo kale waxaa dollar ay ku bixin jirtay mushaharaadka golaha wasiiradda iyo xilibaanadda Puntland, waxayna dowladdu markaa lacagta shilling Soomaaliga ah ku qabsan jirtay 22 Kun.
Dhacdada Saddexaad:- Sanadkii ugu horeeyey madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisii wax lacag ah lama daabicin, suuquna waa deganaa oo markaa cabasho badan kama jirin isticmaalka shilling Soomaaliga.
2015 iyo 2016 ayey dowladda iyo ganacsato iska kaashadeen in lacag shilling Soomaali ah la daabaco, taasi waxay markale soo celisay in qiima dhac lacageed oo baahsani Puntland ka dhaco, Sarifka $1 ayaana gaaray 35,000 Sh.S.
Markaa ayey xukuumaddii Gaas joojiyeen in lacago cusub oo shilling Soomaali ah la daabaco, 2dii sano iyo barkii u dambeeyeyna ma dhicin wax lacag ah oo la daabacay.
Talaabooyinka kale ee ay ku xakameeyeen qiima dhaca lacageed waxaa ka mid ahaa, lacago badan oo gudaha Puntland lagu daabulayey oo ay gubeen, waxayna sidoo kale joojiyeen lacagihii kasoo noqonayey deegaanadda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ganacsiga ku imanayey.
Waxaa si weyn loo socod siiyey in waxa dekedda kasoo degaya 30% lagu canshuuro shilling Soomaali.
Markii ay xukunka banaynayeen Madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisii bangiga dhexe ee Puntland $1 waxay ku qaadi jireen 28,000 Sh.S.
DIGREETADDII JOOJINTA DAABICIDDA SHILLING SOOMAALIGA IYO XUKUUMADDA DENI.
14 January Madaxweyne Deni wuxuu soo saaray digreeto tirsigeedu yahay MW/DPS/008/2019, wuxuuna amar madaxweyne ku joojiyey daabacaadda lacag Shilling Soomaali cusub.
2dii sano ee xukuumadda hadda taladda haysa Puntland joogtay ma jirin wax lacag ah oo la daabacay, balse waxaa dhamaadka sanadkii 2020 ka dhacay qiima dhac lacageed oo weyn, sababtayna in la diido isticmaalka iyo ku ganacsiga lacagta Shilling Soomaaliga ah.
Dad badan ayaa is weydiinaya haddii aysan jirin lacag la daabacay, maxaa kale oo sababay hadda qiima dhaca lacageed?
Xukuumadda Madaxweyne Deni waxay mushaharaadka ku bixinaysay mudadii ay joogtay dollar taasi waxay sababtay in bangiga dowladda ay ku ururto lacag shilling Soomaali tirabadan maadama dekedda lacagta lagu qaado 30% Shilling Soomaali tahay, canshuura kalena lagu qaado shilling Soomaali.
Lacag lagu qiyaasay 60 Bilyan oo shilling Soomaali ah ayaa bangiga Puntland halmar ku siidaayey suuqa si dowladdu u hesho dollar ay ku bixiso mushaharaadka iyo adeegyadda kale ee dowladda, isku dheelitirna ugu yimaado lacagta dollarka iyo shilling Somaaliga bangiga dowladda taal,
Talaabadda kale oo ay dowladda Madaxweyne Deni qaadeen si ay isugu dheeli tiraan shilling Soomaaliga iyo dollarka bangiga dowladda ka baxaya ayey gaarsiiyeen in dowladdu kor u qaado inta bangigu ku qabsanayo shilling Soomaliga, arintaa sariflayaasha ayaa u arkay in halkaa ay ka baxayso macaash ay haysteen, kor ayey iyana sarifkii u qaadeen.
Waxaa kale oo arintaa si weyn uga macaashay ganacsato iyana suuqa kusii daayey lacag shilling Soomaali tirabadan taas oo sababtay in dowladdu dejin waydo sarifka lacagta, sida madaxweyne Deni sheegay ilaa 4 makiinadood oo lacagta daabacda ayaa taal gudaha Puntland.
Dadweynaha danyarta ah waxaa soo wajahday nolol adag maadama hal mar suuqyadda waaweyn ee Puntland laga diiday qaadashadda shilling Soomaaliga, waxa keliya ee shaqaynayana ay noqotay lacagta danabaysan iyo midka dollarka ah.
Dastuurka Puntland qodobkiisa 50aad, ayaa dhigaya in dowladdu masuul ka tahay ilaalinaysana awooda wax-gadashadda ee dadweynaha, gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Maanta Puntland welwelka ugu weyn ee jira waa in shacabku cabsi badan ka qabaan in si weyn loogu dhaco shilling Soomaali aan hubanti lagu qabin.
Talaabooyinka ay qaaday xukuumadda Madaxweyne Deni qaar badan tub saxa ayey qaadeen si dabdamis looga dhigo qiima dhaca lacageed ee taagan, qodobka ah in sarifka $1 lagu jaangooyo 35,000 Sh.S waa mid xal u noqon kara qiima lacageed ee shilling Soomaliga ku timi, iyo in la xadido isku dirka lacagta danabaysan.
Sidoo kale waxaa iyana muhiima in khaanad isku dir shilling Soomaali laga dhex abuuro adeegyadda lacag dirista waa talaabo kale oo wax badan qaban karta, maadaama lacagi ku shaqayso kalsoonidda lagu qabo.
XALKA QIIMA DHACA LACAGEED EE PUNTLAND KA JIRRA.
- Waxaa loo baahan yahay in si deg dega loo dedeijiyo shuruucdii suuqa lagu maamuli lahaa, iyo midkii lacagta lagu maamuli lahaa si weyna ay dowladdu u socodsiiso in shuruucda ay ka shaqayso suuqa xorta ah. Maadama dastuurka Puntland qodobkiisa 49aad dhigayo in suuqa ganacsi xoryahay, ayna saldhig u tahay tartanka xorta ah.
- In la dhaqan geliyo digretaddii Madaxweynaha ee lagu joojinayey daabicidda lacagta shilling Soomaliga ah, lana xiro wershadaha lacagta daabaca iyo in la xakameeyo lacagta dibadda Puntland laga keenayo.
- In Puntland tayeyso bangiga dhexe ee maamulka, dhanka kalena shuruuc loo sameeyo bangiyadda kale ayna sameeyaan qaybta sarifka lacagaha maadama loo baahan yahay in halkaa laga jaangooyo sarifka lacagta.
- In la tirakoobo sariflayaasha gudaha Puntland ka dhex shaqeeya, shatiyona waa inuu siiyo bangiga dhexe ee Puntland si loola xisaabtami karo sariflihii lacago badan deegaanka keena iyadoo aysan jirin baahi loo qabo shilling Soomaliga, amase iska jaangooya sarifka suuqa ee maalin laha ah.
- In dowladdu wixii ka yar $100 oo ah mushahar iyo gunooyin ay ku bixiso shilling Soomaliga si uu usoo noqdo kalsoonidda lagu qabo isticmaalka lacagta.
- In aysan dowladdu halmar suuqa ku dhex siidayn shilling Soomali tiradda badan ee bangiga dowladda ku urureysa, balse si tartiib tartiib ah isticmaalkeeda looga shaqaysiiyo.
- Waa in kor loo qaado wax-soo-saarka gudaha Puntland, suuqna loo raadiyo Maydiga, Kaluunka, Xoolaha nool iyo cusbadda si deegaanka lacag adag oo dollar ah ugu soo laabato taasoo sababaysa in fakhriga laga baxo.
- Go’aanka lacagta danabaysan lagu gaarsiiyey inaan la diri karin wax ka yar $10, waa arin bogaadin mudan iyo in akoon shilling Soomali sarif ah laga dhex sameeyo Iyana waxay soo celin qiimaha lacagta shilling Soomaliga ah, balse waxaa ka horeeya in sarifka shilling Soomaliga la gaarsiiyo 28,000shls ilaa 30,000shls, si lacagtu u noqoto mid la qaadi karo.
- Wacyiga bulshadda maanta waxaa gacanta ku haya ganacsatadda, dowladda waxaa looga baahan yahay inay kalsoonida bulshadda hantaan si go’aamadoodu u noqdaan kuwa dhaqan gala.
Shacabkuna waa inay ogaadaan cidda ay la xisaabtami karaan ay tahay dowladda, loona baahan yahay inaysan kalsooni badan siin ganacsatadda macaashka iyo faa’iidada ku shaqaynaysa.
Ganacsatadda waaweyna waxaa laga rabaa inay u dhimriyaan shacabka, maadama weli aysan saldhigan dhaqaalaha guud ee dalka Soomaliya.
Maxamed Cabdullahi Cali-CiilTire; Arday dhigta kulliyadda dhaqaalaha, degana hadda wadanka Uganda.