Isimada Puntland oo baaq ka soo saaray Khilaafka Doorashada Soomaaliya

Qaar kamid ah Isimada Puntland, oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe, ayaa ka baaq ka soo saaray muranka ka taagan Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo Shirka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Isimadu ay xalay la kulmeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubalamd, islamarkaana kala hadleen xal u helidda khilaafka ka aloosan Arrimaha Doorashada.

Boqor Burhaan, wuxu tilmaamay in labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay Isimada ka aqbaleen in laga wada-hadlo muranka Doorashada, si loo xalliyo Khilaafka ka jira qabsoomidda Doorashadaas.

Sidoo kale, wuxu Madaxda dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Murashixiinta ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo is-faham-waaga ka taagan Arrimaha Siyaasadda dalka.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST