
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah magacaabay guddi cusub oo qiimayan iyo Tala-bixin ka samayn doona sicir-bararka iyo diidmada ka dhalatay qiima dhaca Lacagta Shilin Soomaaliga ah.
Go’aankaas ayaa ka soo baxay Shir ku saabsan xal u helidda qiima dhaca iyo diidmada Shilin Soomaaliga oo maanta Garoowe ka qabsoomay, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweyne Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale.
Shirka wax aka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Mas’uuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Sheikh.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo Shirka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Guddiga cusub loo xil saaray, in ay mudda saddex maalmood ah ka soo tala-bixiyaan xalka ugu dhow ee soo celinta qiimaha Shilin Soomaaliga.
Guddiga oo ka kooban mas’uuliyiin iyo khubaro dhaqaale oo kala duwan, waxaa Guddoomiye looga dhigay Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole oo marna soo noqday Wasiirkii Maaliyadda Puntland.
Hoos ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.