Dagaal khasaare gaystay oo dhex maray Soomaalida iyo Booranta Kenya

Sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Kenya ilaa 7 ruux ayaa ku dhintay dagaalkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Isiyeelow iyo Gaarisa.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay inay xaaladda ka xuntahay sida loo malaynayo, ayagoo ku baaqey inay dowlada soo kala dhexgasho labada qowmiyadood.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in ay siweyn isugu howlanayaan daminta colaadan oo muddo dheerba soo jiimateysay, hasse ahaateen marnaba aan laga maarmin in dowladdu arintan soo faragaliso.

PUNTLAND POST