Cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda Puntland ayaa saaka oo Axad ah si rasmiya ula wareegay degaanno ku yaal miyiga degmada Isku-shuban halkaas oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood.
Ciidamada dowladda ayaa kala dhex-galay labada dhinac oo dagaallamay waxaan ay fariisimo ka samaysteen dhulka miyig ah oo colaaddu ka aloosnayd.
Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidankaas waxa lagu amray in ay hirgeliyaan xabad-joojin hordhac ah islamarkaana la socdaan dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dagaallamay.
Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka kaas oo lagu doonayo in nabad la dhex-dhigo beelaha colaaddu dhexmartay.
Xaaladda dhulkii lagu dagaallamay shalay ayaa saaka deggan waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda Puntland.
PUNTLAND POST