
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka dalka, islamarkaana aan wakhti lagu lumin muranka weli ka taagan Hannaanka Doorashada.
Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa go’aankan shaaciyay kadib Kulan ku saabsan Xallinta Muranka Doorashada oo uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish.
“Xumuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay go’aansatay Hirgelinta Doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin Shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wixii carqaladayn kara Heshiiskii Doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho 17-kii September 2020” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo isna halkaas Warbaahinta kula hadlay, ayaa shaaciyay in uu ku fashilmay waan-waan uu ka dhex-waday Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland si loo xalliyo Muranka Doorashooyinka.
Halkaan ka daawo Muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.