Shirkadda Twitter oo si rasmiya u xirtay Cinwankii Donald Trump

Shirkada Twitter ayaa si rasmi ah u xirtay bartii uu ku lahaa madaxweynaha  Mareykanka ee xafiiska baneynaya Donald Trump

Shirkadu waxay sheegtay in uu Trump ku xadgudbay sharciyada iyo nidaamka badqabka ee u yaala Twitter.

Barta Donald Trump ayaa waxaa ku xirnaa 88.7 malyuun oo qof .

Arintan ayaa ka dhigan Trump aanu isticmaali doonin Twitter oo uu aad u jeclaa kuna qori jiray wararka uu rabo in ay saaxafaddu qaadato.

PUNTLAND POST