Taliska Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen ay Al-shabaab ku diyaarisay walxaha Qarxa.
Hawlgalka oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa lagu burburiyay Gaarigaas oo Al-shabaab doonayeen, in ay ku fuliyaan weeraro Argagixiso.
Sidoo kale, Hawlgalka waxa lagu qabtay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo Qaraxyada diyaarinayay, sida laga soo xigtay Taliska Danab.
Ma jirto cid ka madax-bannaan Ciidanka Danab, oo xaqiijisay sheegashadan, iyadoo Al-shabaabna aysan weli ka hadlin Arrintaas.
PUNTLAND POST