Dagaal culus oo u dhexeeya laba beelood, ayaa mar kale Galabta dib uga qarxay miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, kadib mudda kooban oo uu istaagay.
Dagaalka oo ku salaysan muran ka dhashay degaamaynta miyiga Isku-shuban, ayaa saaka ka bilowday halkaas, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac kala duwan.
Gurmad xooggan oo ka socda labada dhinac, ayaa duhurnimadii maanta gaaray dhulka lagu dagaallamay, taas oo keentay in uu dib u qarxo dagaalkaas.
Inta la xaqiijiyay, waxa ilaa iyo hadda dagaalka u dhintay lix qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 13 ruux, inkastoo aan weli xog rasmiya laga helin.
PUNTLAND POST