Xogtan Waxaa Muqdisho Ka soo diray qof ka mid ah ka Shaqaalaha Raadiyo Muqdisho oo 1991kii ka qeybgalay tacsidii afartii wariye uu Taakeeye dilay.
Muqdisho (PP) — Ka sokow inay isku magaalo ka soo jeedaan Maxamed Cabdi Xasan Afweyne waxay wadaagaan tilmaan kale. Waa labo nin oo meeshii ay dhuuman lahaayeen isa soo shaacbixiyay.
Sanadkii 2012kii ayuu Maxamed Cabdi Xasan shir jaraa’id ku qabtay Cadaado oo ahayd xaruntii Ximan iyo Xeeb. Wuxuu ku shaaciyay inuu iskaga baxay burcadnimadii. War adduunka qabsaday buu ahaa. Maalintaas ka hor lama aqoon wajigiisa, lamaba caddayn karin inuu isaga yahay ninkii maamulayay burcadbadeed seylad saamiyada shirkadaha burcadbadeedka lagu kala iibsado.
Intaas kuma ekaanin Afweyne. Wuxuu oggolaaday inuu la taliye u noqdo koox sheegatay inay samaynayaan filim burcadeed ku saabsan. Lacag uu koorar ku iibsado kuna yimaado Nayroobi ayay u soo direen isaga. Nayroobi muddo kooban ayuu ku sugnaa. Dalkugal (visa) ayay safaaradda Biljam siisay Afweyne. Markii Burusales, caasimadda Biljam, ka soo degay ayay ciidammadu xireen. Waxaa la socday guddoomiyihii maamulkii Ximan iyo Xeeb Tiiceey. Waxaa labadooda lagu eedeeyay inay dambiyo burcadbadeednimo galeen. Weli Afweyne xabsi ayuu ku jiraa. Tiiceey dhowr sano ayuu ka soo laacay.

Sufyaan Taakeeye wuxuu baraha bulshada ka soo muuqday 29 kaddib markuu laayay wariyeyaal Soomaaliyeed oo ku sugnaa Raadiyo Muqdisho. Taakeeye wuxuu sheegi jiray barnaamijkii ganacsiga 1991kii. Waxaan xusuustaa mid ka mid ah warbixinnadii uu soo jeediyay oo ku saabsanaa sicirka badeecooyin kala duwan. Wuxuu caan ku ahaa ereyga “shalaytoole”. Qofka dhegeysta maanta wuu garan karaa inuu yahay qof ku soo booday wariyenimada.
Taakeeye uma baahnayn inuu Soomaaliya la soo hor istaago halkudhegyo diimeed isagoo dhiig daadiyay, magaca iska beddelay. Wuxuu u malaynayay in dadka yaqaan ay geeriyoodeen ama aysan xusuusan karin dambiyadii uu galay.
Maanta waxaa la gudboon inuusan dadkiisa murugo ku abuurin waayo waxaa isaga dabataagan in ka badan 200 qof oo ah ehelka dadkii uu gumaaday. Isa soo shaacbixinta dambiile ma aha mid cusub. Dhagarqabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.