Maraynka oo shaaciyay in uu duqayn ku dilay Hoggaamiyaal ka tirsan Al-shabaab

Duqayn xooggan oo ay  fuliyeen Ciidamada Mareykanka, oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Ururka  Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Taliska Africom.

Duqaynta oo ka dhacday degaanka Saaxa-weyne ee Gobolka Baay, waxa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sare oo muhiim u ahaa Al-shabaab.

Qoraalka Africom laguma xusin magacyada Hoggaamiyaasha ka tirsan Al-shabaab, oo duqayntaas lagu dilay iyo jagooyinka ay ka hayeen Ururka.

Sidoo kale, Taliska Africom waxay sheegeen in ay xaqiijiyeen in cid Rayid ah aysan wax khasaare ah ka soo gaarin lala beegsaday Al-shabaab.

PUNTLAND POST