Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay la wareegay tuulada Cimaamad, oo qiyaastii 15km u jirta degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay, in Al-shabaab xalay la wareegtay tuulada Cimaamad, kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka degaankaas.
Weli lama soo werin, wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka xalay dhexmaray Al-shabaab iyo dadka ku dhaqan tuulada Cimaamad, halkaas oo kooxdu la wareegtay.
Dadka ku nool tuulada Cimaamad, ayaa la sheegay in ay hore u diideen fulinta amar kaga yimid Al-shabaab, oo la xiriiray in ay bixiyaan Xoolo Sakawaad ah.
PUNTLAND POST