Suuqyada Garoowe, waxaa saaka oo Khamiis ah mar kale laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ganacsatadu sheegtay in Bankiga dowladda Puntland uu diiday sarrifka iyo socod-siinta Shilinka.
Dhammaan goobaha kala duwan ee ganacsiga Garoowe iyo dukaannada xaafadaha ayaa diiday Shilin Soomaaliga, waxaana cuntada iyo adeegyada as’aasiga ah lagu iibsanaya Lacagta Dollarka.
Arrintan waxay mar kale saamayn ba’an ku yeelatay dadka danyarta ah, oo aan wax ku iibsan karin Lacagta Dollar-ka, gaar muruq-maalka ku shaqeeya Shilin Soomaaliga.
Waxa xusid mudan, in Xukuumadda Puntland aysan weli ka jawaabin xaaladdan ka aloosan suuqyada Garoowe, taas oo culays ku keentay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Caasimadda.
PUNTLAND POST