
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.
War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Qoor Qoor iyo Danjire James Swan ay wada hadleen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
“Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.
“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.