Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa si adag u cambaareeyay dilka gabar yar oo 15-sano jir ah, taas oo ku dhimatay Rasaas ay Booliiska Puntland u adeegsadeen dad muddaharaad ka samaynayay Garowe, 26-kii December 2020.
Xafiiska ayaa Qoraal uu soo saaray ugu baaqay hay’adaha Amniga Puntland, in ay sida ugu dhakhsaha badan sharciga ku hor-geeyaan askartii ka dambaysay dilka gabadhaas yar oo 2-dii bishan u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Rasaastii Booliiska.
Sidoo kale, Xafiisku wuxu walaac xooggan ka muujiyay dib u-dhaca ka jawaabidda Cabashada dhibbanayaasha, taas oo aysan weli ka jawaabin hay’adaha Sharci-fulinta ee Puntland, sida uu sheegay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.
Taliyaasha kala duwan ee Laamaha Amniga Puntland, wuxuu Xafiisku ku boorriyay in ay u hoggaansamaan Sharciga, islamarkaana tallaabo kasta oo ay qaadayaan ay ilaaliyaan bed-qabka iyo Nolosha dadka Rayidka ah.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.