Mukhtaar C. Faarax
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacaabay Xisaabiyaha gobolka Nugaal iyo kuxigeenkiisa.
Mukhtaar Cabdi Faarax oo ah aqoonyahan muddo ka shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda ayaa loo magacaabay Xisaabiyaha gobolka Nugaal, halka kuxigeena loo magacaabay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Khaliif.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa Xisaabiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdiweli Xasan Nuur u magacaabay Lataliye Arrimaha Canshuuraha.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.