Dowladda UK oo safiir cusub u magacowday Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in ay safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya kadib markii la beddelay safiirkii hore ee u fadhiyay Muqdisho.

Safiirka cusub ee Ingiriiska u fadhin doonta waxa loo magacaabay Kate Foster taasi oo beddeli doonta safiirkii hore Mr Ben Fender.

Danjire Kate Foster waxay xilka la wareegi doontaa bisha February 2021 waana haweeneydii labaad ee dowladda UK safiir uga noqota Soomaaliya tan iyo sannadkii 2012.

PUNTLAND POST