Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka dowladda ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Balli-doogle oo ah Taliska Ciidanka Kumaandooska DANAB islamarkaana laga qaado Hawlgallada lagu beegsado Al-shabaab.
PUNTLAND POST