
Ururka Al-shabaab ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in dowladda Maraykanku ay Jimcihii duqayn xooggan ku burburisay xaruntii idaacadooda Al-Furqaan ay ku lahayd degaanka Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in duqayntaas ay burburisay xaruntii idaacadda Al-Furqaan iyo dhammaan Qalabkii ay ku shaqaynaysay balse aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Shaqaalihii idaacadda.
Al-shabaab waxay sheegtay in duqayntu ay dhacday wakhtigii salaadda Makhrib oo shaqaaluhu xarunta ka maqnaayeen sidaas darteedna aysan wax khasaare ah gaarin shaqaalaha laakiin ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah oo wadada marayay.
Sidoo kale Al-shabaab waxay xustay in 10 maalmood ka hor la burburiyay xarunta idaacadooda Al-Furqaan ay ku leedahay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.