
War-murtiyeed ka kooban lix Qodob ,ayaa Galabta oo Sabti ah laga soo saaray, Shirka Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida oo Mac-hadka Heritage uu ku qabtay magaalada Garoowe.
Shirka oo mudda saddex maalmood ah ka socday Garoowe, waxa looga hadlay afar Qodob oo kala ah; dhammaystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Xasilinta dalka iyo samaynta Ciidan Qaran oo heshiis lagu yahay, Taabba-gelinta Nidaam Federaal oo dhammaystiran iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
War-murtiyeedka ka soo baxay shirka, waxa walaac xooggan looga muujiyay khilaafka ka taagan Fulinta Heshiiskii Arrimaha Doorashada oo Muqdisho lagu saxiixay 17-kii December 2020, kaas oo lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada dalka.
War-murtiyeedku, wuxu ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo khalkhal gelin karta Amniga waddanka, islamarkaana burburin karta Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Muqdisho lagu saxiixay 17-kii December 2020.
Sidoo kale, War-murtiyeedka, ayaa lagu bogaadiyay dadaalka Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ku doonayaan in ay ku xalliyaan Muranka ka taagan qabsoomidda Doorashada 2021, si loo qabto doorasho loo dhanyahay.
Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.